Shirweynihii saddexaad ee Madasha Wasaaradaha Dastuurka Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Garoowe ka furmay.

Shirweynihii saddexaad ee Madasha ay ku midaysan yihiin Wasaaaradaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya iyo Dowad Goboleedyada dalka oo ay marti-gelisay Puntland ayaa Maanta ka furmay magalada Garoowe.

Wasiirada Dastuurka xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,Jubaland,Galmudug,Hirshabeelle,Konfur galbeed,iyo Puntland ayaa ka qayb galaya shirkaan oo diiradda lagu saarayo dib u eegista Dastuurka iyo wada-shaqeynta wasaaradda Dastuurka heer Federaalka iyo heer gobol

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay maamulka gobolka Banaadir oo aan horay ugu jirin Madashaan ay ku midaysan yihiin Wasaaradahaa Dastuurka Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Dastuurka Puntland Cabdifitaax Siciid Caynab oo ugu horrayn kulanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyey martida ka qayb gelaysa shirka,wuxuuna ka warbixiyey arrimaha u qabsoomay wasaaraddiisa mudadii u dhexaysay labada shir. Caynab ayaa tilmaamay in uu shaqo weyn ka qabtay fahamsiinta bulshada ee arrimaha Dastuurka muddadaasi saddexda bilood ah.

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa sheegay in qorshaha dib u eegista Dastuurka dalka,islamarkaana ay kala tashanayaan Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in is-faham laga gaarayo maqaamka uu yeelanayo gobolka Banaadir oo haatan ka qayb galaya shirka Maanta furmay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin cabdullaahi Xaaaji Cumar oo si rasmi ah u furay shirka ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool u ah dib u eegista Dastuurka dalka iyo wada-shaqeynta Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Sawirro

PUNTLAND POST