Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka soo horjeeystay Xukunkii lagu sii daayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa goordhow Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho waxa uu ka soo horjeeystay go’aankii maxkamada Gobolka Banaadir ay kus ii deeysay cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in sharci daro ay tahay in loo diido racfaanka Xeer ilaalinta isaga oo sheegay in ay xaq u leeyihiin in racfaan ay helaan xeer ilaalinta.

Maanta ayaa Maxkamada Gobolka Banaadir sheegtay in wax dambi ah lagu waayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyada oo sii deeysay.

Dhanka kale Gudoomiyaha Maxkmada Gobolka Banaadir Mudane Aweys Shiiq Cabdilaahi ayaa sheegay in xeer ilaalinta dalka aan wax racfaan ah u furneyn.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke