Wararka Warbaahinta Puntland Post ay ka heleeyso Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa ay xabsiga ka sii daayeen Cabdiraxmaan Cabduullaahi Xaaji oo ku magac dheeraa Dabcasar.
Dabcasar ayaa dhowaan ciidamada amaanka waxa ay ka xeysteen Hoteel ku yaala Magaalada Hargeysa halkaasi oo ciidamada amaanka ay xoog ku galeen kadibna ay u dhaadhiciyeen xabsiga Hargeysa.
Ciidamada ayaa u geystay jirdil aad u xoogan waxaana la dhigay Isbitaal ku yaala Hargeysa Todobaadkii la soo dhaafay inkastoo markii dambana xabsiga dib loogu ciliyay.
Ugu dambeeyntii Somaliland ayaa sii deysay Dabcasar oo ah nin caan ka ah aaladaha bulshada ku xiriirto (Social Media).
Dhanka kale isla maanta waxaa la geeyay laanta socdaalka Soomaaliya si Dabcasar iyada oo dibna loogu ciliyay dalka Mareykanka oo markii hore uu ka yimid.
Dabcasar ayaa lagu eedeeyay in uu Aflagaado u geeystay madaxweynaha cusub ee Soomaaliland
Maamulka Somaliland oo sheegtay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa ka dhaca tacadiyo ka dhan Xuquuqda aadanaha.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post