Madaxweyne Gaas:- “waxaan ugu baaqayaa shacabka Puntland inay nabad kuwada noolaadaan, nabadna kuwada daaqaan”

Madaxwenaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 21 December 2017 safar shaqo ku tegey magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa magaalada Buurtinle kusoo dhoweeyey maamulka degmada Buurtinle, nabadoono waxgarad, aqoon-yahano iyo shacabka magaalada Buurtinle oo aan u kala hadhin  ka qayb qaadashada soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal ay ka socoto mashaariic horumarineed kuwaas oo ay dawladdu ka hirgelisey.

“Aad ayaanu ugu faraxsan-nahay inaan maanta magaalada Buurtinle ku nimaadno safar shaqo, waana wax lagu farxo mashaariicda waaweyn ee magaalada sida dhabta ah uga socota, waa magaalo weynaatay oo ay degen yihiin dad badani tuulooyin badannina ay ku xeeran yihiin markaa waa lagama maarmaan inay heshaa adeeg fiican” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

” Waxaan idiin rajaynayaa guul iyo inay mashaariicdaasi si dhab u hirgalaan haday noqoto saldhigyada Booliiska, nalalka magaalada [Solar System], biyo gelinta, iyo xaruntii degmada Buurtinle waaxa la rabaa dhammaan mashaariicdaasi inay u hirgalaan sidii lo qorsheeyey Insha Allaahu, sidoo kale waxaa iyana halkan ka socda mashruucii dhismaha waddada isku xidhaysey Garoowe iyo Gaalkacayo” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadalay shaqaaqada dhexmartay dadka walaalaha ah ee reer Puntlaand, waxaana uu baaq u diray Madaxweynahu dadka shacab ka ah ee ay dhexmartay xurguftu, isla markaana waxa  uu ku booreyey inay joo jiyaan dagaalka nabad iyo waaan-waanna kusoo dabaalan xaaladda hadda jirta.

” Waxaa sidoo kale nagu soo siyaaday shaqaaqada ka socota Hawdka oo runtii aan aad uga xunnahay dadkaa Soomaaliyeed ee dhintay. intii dhimatay Alle haw-naxariisto, inta dhaawaca ahna waxaan rajaynayaa in Alle u booga-dhayo, ka Puntland ahaanna waajib nasaaran weeye shacab kayaga markay dhibi gaadhto inaanu u nimaadno wixii shiddo iyo shar wadana aanu ka qabano, bulshadaa wada degan ee walaalaha ahna waxaan ugu baaqaynaa inay wanaag, ehelnimo, walaaltinimo ay kuwada deganaadaan, nabad kuwada noolaadaan nabad kuwada daaqaan “ ayuu Yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

” Waxaan ugu baaqayaa isimada, cuqaasha, nabadoonada, waxgaradka, culuma awdiinka reer Puntland meel kastay joogaanba inay u istaagaan xaaladdaa iyada ah deminteeda iyo dadkaa walaalaha ah isu soo dhowaan shahooda iyo dhibtaasi dhacday furdaaminteeda in loo istaago ayaan ku baaqayaa, waxaan kaloo ku baaqayaa in la joojiyo colaadda iyo xasaradda labada dhinacba inay joojiyaan, wixii dhib ah oo dhacayna ay intaa ku ekaadaan” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.