Kooxda Daacisha ayaa goordhow sheegatay masuuliyada weerar lagu qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose oo Muqdisho u jira 30-KM.
Wakaalada Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee la yiraahdo Acmaaq ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Xalay ayaa weerar culus waxa uu ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.
Kooxda Daacisha ayaa sheegatay dhowr Weerar oo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho