Xubno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo sheegay in ay xilka ka qaadayaan Madaxweyne Farmaajo

Qaar kamid ah Xildhibaannada Soomaaliya ayaa Arbacada Maanta sheegay in ay qorshaynayaan Mooshin xilka qaadis ay ku sameeyaan madaxweynaha Soomaaliya,kadib xasaradda siyaasadeed ee ka dhalatay xarigga cabdiraxmaan Cabdishakuur,taasoo keeni karta in ay isku-dhacaan Xukuumadda iyo mid kamid ah beelaha waaweyn ee dalka,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka Reuters.

96 Mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaliya ayaa Guddoonka Baarlamanka ka dalbaday in la qabto kulan aan caadi ahayn oo xilka qaadis loogu samaynayo madaxweyne Farmaajo oo ay ku eedeeyeen in uu Dastuurka jebiyey oo khiyaano ku kacay,islamarkaana burburinayo maamul goboleedyada.

Hadalka mudanayaasha ayaa ka dhashay,weerar ay Axaddii Ciidanka Nabad Sugidda Soomaliya ku qaadeen guriga Siyaasi Cabdiraxmaan cabdishakuur oo horay u soo noqday Wasirkii Qorshaynta Soomaaliya,sidoo kalena kamid ahaa musharrixiinti xilka madaxweyne ee doorashadii u ku guulaystay Maxammed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasigan mucaaradka ah ee gurigiisa la weeraray ayaa lagu qabtay hawlgalka ay ciidanka Nabad Sugidda ku qaadeen,waxaana halkaasi ku dhintay shan ka tirsan ilaaladiisa oo dagaal dhexmaray ciidanka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wajahaya dacwad ku saabsan khiyaano qaran,waxaana la filayaa in maxkamad la soo taago maalinta berri oo Khamiis ah.

Awoodda Qabiilka.

Cabdiraxmaan Cabdishakur wuxuu ka soo jeeda Beel weynta Habargidir ee ku fidsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Inkastoo taageerayaashiisa iyo xukuumadda labaduba ay ku adkaysanayan in xarrigiisu yahay mid siyaasadeed oo uusan ahayn mid qabiil,haddana waxay sii dhanaaninaysa xiriirka labada dhinac

Haddii uu   dagaalku qarxo wuxuu kala qaybin karaa ciidamada amniga Soomaaliya, oo inta badan ka kooban maleeshiyooyin ku salaysan qabiil. Bishii Sebtembar ee sannadkaan  dagaal dhexmaray  bilayska, sirdoonka, iyo millatariga waxaa ku dhintay sagaal qof.

Bishii August ee sannadkaan hawlgal wadajir ah oo ay qaadeen ciidamada Maraykanka iyo Soomaliya oo ka dhacay degaanka Bariirre,waxaa ku dhintay 10 ruux oo ka soo jeeda Beesha Habargidir. Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay dileen xubno ka tirsan mintidiinta Al-shabaab,laakiin odayaasha beelaha ayaa ku sheegay dad rayid ah.

Bishii May askari ayaa si kamma’ ah u dilay Wasiirkii hawlaha guud  ee Soomaaliya,kadib markii uu ka shakiyey. Askariga oo u dhashay Beesha habargidir ayaa lagu xukumay dil toogasho ah,taasoo ka caraysiisay xubnaha Beesha oo doonayey in ay mag bixiyaan.

Xigasho: Wakaaladda Wararka ee Reuters  https://www.reuters.com

PUNTLAND POST