Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi xalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Al-Shabaab.
Dagaalkaan oo ahaa mid aad u culus ayaa yimid kadib markii ciidamo katirsan kuwa Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Degmada Afgooye.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta PUNTLAND POST u sheegay in Al-Shabaab ay si kooban u la wareegeen Xaafado katirsan degmadaasi Afgooye oo kamid tahay xaafada Buundo yareey.
kadib soo rogaal cilin ay sameeyeen ciidamada dowlada ayeey Al-Shabaab dib uga baxeen xaafadaha ay la wareegeen.
ilaa hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi hayeeshee waxaa soo laa laabta weerarada ay Al-Shabaab ku soo qaadayaan Afgooye.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho