Shir u dhaxeeyay Xildhibaano iyo R/W Kheyre oo fashil ku dhamaaday

Warar lagu kalsoonaan karno oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in xalay xafiiska Ra’isilwasaaraha Soomaaliya uu ka dhacay kulan u dhaxeeyay Xildhibaano katirsan Labada Aqal iyo Ra’isilwasaaraha Soomaaliya.

Kulankaan oo ah mid ay ka codsadeen Ra’iIsil wasaaraha ayaa looga hadlayay Weerarkii lagu qaaday Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanada ayaa Ra’iisil wasaraaha ka codsaday in lagu soo wareejiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isaga oo dhaawac ah ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen.

Ra’iisi lwasaaraha ayaa ka biyo diiday in Dowlada ay Xildhibaanada ku wareejiso Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ugu dambeeyntii kulankaasi ayaa ku dhamaaday fashil iyo is fahanwaa u dhaxeeyay xildhibaanadaan labada aqal iyo Ra’isilwasaaraha.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho