Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ku Balansan Semifinalaha Koobka Mamaul Goboleedyada

Xulalka Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa maanta ku balansan afar dhamaadka koobka maamul goboleedyada oo galabta ka dhacaya garoonka Konis ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa soo geli doonna saacada geeska Afrika marka ay tahay 3:00 PM galabnimo.

Kulankaan ayaa ah mid aad u xiiso badan oo ay u soo daawasho tagi doonaan kumanaan dadka reer Muqdisho ah.

Kooxdii galabta soo gudubtay waxay finalka la ciyaari doonan kooxda Puntland oo shalay 0-1 ku garaacday kooxda gobolka Banaadir.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho