Intee le’eg tahay Soohdinta badda ay ku muransanyihiin Kenya iyo Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa uga jawaabtay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ,muranka xuduudda badda ee Soomaaliya ay soo gudbisay.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Kenya Githu Muigai,ayaa lagu sheegay in mowqifka kenya muranka soohdinta badda uu weli yahay sidiisi iyo in khilaafka lagu xallinayo wada-xaajood.

“Mowqifkaan wuxuu waafaqsanyahay heshiiska Qaramada Midoobay ee xeerka badaha  iyo dhowr axdi iyo qaraarro ay samaysteen madaxda iyo xukuumadaha Midowga Afrika tan iyo 1964“,ayaa qoraalka lagu yiri.

Kaydadka Shidaalka.

Maxkamadda Hague ayaa la filaya in ay arintaan go’aan ka gaarto horraanta sannadka 2018. Caadiyan,go’aannada Maxkamaddu waxay noqonayaan kuwa lagama maarmaan iyo kama dambays ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii 2015 Dacwadda ka dhan ah dalka Kenya u gudbisay  Maxkamadda Cadaaladda caalamiga ah ee ICJ,waxayna dalbatay in la xaddido soohdinta badda ee labada dal.

Heshiisyada.

Baaxadda lagu muransanyahay ayaa gaaraysa 100,000 km oo wareeg ah ,waxaana ku jira lix harawo oo shidaal ah,kuwaasoo Soomaaliya ku doodayso, in Kenya heshiis kula gashay shirkado ajnabi,inkastoo“dhammaan ama inta badan qaybtaasi ay ku taallo dhinaca Soomaaliya”.

Soomaliya ayaa cuskanaysa qodobada 15,74 iyo 83 ee heshiiska Qaramada Midoobay ee xeerka badaha ee sannadkii 1982,kaasoo labada dalba ay ansixiyeen sannadkii 1989.

Laakiin Kenya ayaa sheeganaysa in aan waxba laga baddelin soohdinta badda ee ay la wadagto Soomaaliya sidii ay ahayd sanadkii 1979.

Labada dal ayaa sannadkii 2009 gaaray heshiis is-afgarad ah,kaasoo markii dambe loo bandhigay Qaramada Midoobay sannadkii 2011.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar