Is-bahaysiga Baarlamanka Masar ee xukuumadda taageera oo 350 kursi ku leh Golaha Baarlamanka ayaa soo dhoweeyey booqashada Ra’iisul wasaaraha Ethiopia,Hailemariam Desalegn uu ku tegayo Masar.
Is-bahaysiga ayaa booqashada Desalegn ku tilmaamay fursad lagu hagaajin karo,xiriirka Masar iyo Ethiopia,arrimaha ku saabsan biyo-xireenka Grand,xilli qaar kamid ah xildhinaannada Mucaaradka ay diideen booqashadiisa.
Af-hayeenka Is-bahaysiga Xil. Salah Hasballah ayaa sheegay in xildhibaannada iyo debloomaasiyiinta looga baahan yahay in ay kaalin weyn ka qaataan hagaajinta xiriirka Masar iyo Ethiopia ee ku aaddan biyo-xireenka Grand/Al-Nahda,sidaasi darneedna haddii la diido booqashada Desalegn ay wiiqayso dadaalkii lagu wanaajinayey xiriirka labada dal.
19 Mudane oo ka tirsan Baarlamanka Masar ayaa horay guddoomiyaha Baarlamanka u gudbiyey qoraal ay ku diiddan yihiin booqashada Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ee ku saabsan wada-xaajoodka biyaha webiga Nile.
Ra’iisul Wasaare Desalegn oo dhowaan booqan doona Masar ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Golaha Baarlamanka dalkaasi.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar