Militariga Maraykanka ayaa sheegay in 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen ,hal gaarina ay ku burburiyeen duqeyn ay dalka Soomaaliya ka fuliyeen maalintii jimcaha ee todobaadkii tegay.
Qoraal uu Galabta soo saaray Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu caddeeyey in aan wax rayid khasaare ka soo gaarin duqeyntaas oo ka dhacday meel 30 mile waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.
Taliska ayaa sheegay in Ciidanka Mareykanka ay sii wadi doonaan in ay isticmaalaan “dhammaan tallaabooyinka la ansixiyay iyo kuwa ku habboon” si loo ilaaliyo muwaadiniinta Mareykanka loona joojiyo khataraha argagixisada.
Maamulka Madaxweyne Trump ayaa bishii April ee sannadkaan ballaariyey hawlgallada ka dhanka ah mintidiinta xagjirka ah ee Soomaaliya,taasoo qayb ka ahayd ballan qaadkiisi ahaa dagaalka argagixisada.
PUNTLAND POST