Ciyaar Xiiso badan oo u dhaxeeyso Kooxaha Banaadir iyo Puntland oo ah mid Semifanal ah ayaa galabta ka dhici doonto Muqdisho, waxaayna dhici doontaa 3:30 Xiliga Muqdisho .
Labadaan kooxood ayaa ka soo gudbay heerka Group-yada ee tartanka maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.
Ciyaartaan ayaan la sii saadaalin karin iyada oo natiijada ciyaartaana ay sii daalin doonto cida loo saadaalinayo koobkaan.
Taageerayaal badan oo reer Muqdisho ah ayaa isku diyaarinaya in ay daawadaan ciyaartan oo ah mida ugu xiisaha badan tartankan.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho