Wararka Warbaahinta PUNTLAND POST ay ka heleyso Magaalada Boorama ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen hooy uu magaaladaasi ka dagay Fanaanka Nimcaan Hilaac.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ciidamadaan oo ah kuwa amaanka Somaliland oo doonayay in ay xiraan Fanaanka uu isku dhac dhexmaray dadka deegaanka oo ka hor istaagay in ay xidhaan ciidamada Fanaanka.
Nimcaan Hilaac ayaa Boorama ka soo galay dhanka xuduuda wadanka Djabouti.
Isku dhacaasi dhexmaray ciidamada amaanka iyo dadka deegaanka oo difaacayay Fanaanka uu geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa la sheegay in uu hadda u baxsaday dhanka iyo dalka Itoobiya sida ay sheegayaan warar aan helnay.
Somaliland ayaa xirta dadka magaca leh ee yimaada Koonfurta Soomaaliya iyada oo u aragta in ay qilaafsanyihiin gooni isutaaga ay ku dhawaaqeen.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post