Qorshe 10 sano lagu hagayo booliska Puntland oo lagu daahfurey Garowe

Shir ku saabsan qorshaha tobanka sano soo socda lagu hagi doono ciidanka booliska Puntland ayaa maanta lagu daahfuray magalaada Garowe,waxaana soo qabanqaabiyay shirkaan Wasaaradda Amniga Puntland oo kaashanaysa Hay,adda PDRC.

Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cumar Camay ayaa goor horre subaxnimaddii maanta ku daahfurey magaalada Garowe, waxaana kasoo qeybgalay taliyaasha saldhigyadda booliska, saraakiil , masuuliyiinta wasaaradda ,Xildhibaano, hay,addaha bah wadaagta la ah iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Axmed Dawlad ayaa sheegay in la dhisi doono 12 saldhig ciidan islamarkaana isbedel lagu samayn doono ciidanka booliska Puntland , Iyadoo ay garabsiinayso Hay,addaha UN-ka iyo EUCAP kuwaas oo ka taaageeri doona taakuleynta ciidanka iyo tababarada.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa sheegay in qorshahaan uu yahay midka lagu hagi doono ciidanka booliska Puntland, islamarkaana uu wax weyn ka bedeli doono qaabkii horre ee loo shaqeyn jirey.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.