Olole nadaafadeed oo ka socda maalintii 5aad Garowe

Waxaa maalintii lixaad ka socda magaalada Garowe olole nadaafadeed oo lagu wajahayo uruurinta qashinka iyo hagaajinta bilicda magaalada, waxaana iska kaashanaya 8 xaafadood iyo maamulka dowlada hoose.

Haweenka ka qeybgalaya ololahaan ayaa ku amaanay maamulka dowlada hoose gaar ahaan Xoghayaha cusub inuu door wanaagsan ku leeyahay dhaqaajinta ololahaan oo kusoo beegmaya xilli cabashooyin badan ka jireen nadaafadda magaalada.

Xoghaye Maxamuud Cali Gurey oo jimcadii shalay kala qeybgalay maamulladda xaafaddaha,haween iyo dhalinyaro u taagan ololaha ayaa ugu baaqay bulshada inay dib ugu soo laabtaan dhaqankoodii horre si meesha looga saaro isticmaalka bacda tirada badan oo qeyb ka ah waxyeelada caafimaadka iyo deegaanka.

Dhinaca kale haweenka ka qeybgalaya ololaha ayaa ka codsadey maamulka dowlada hoose inay gacan ku siiyaan isticmaalka shay kasta oo aan dhibaato ku ahayn deegaanka iyo dadkaba.

Haweenka xoogsatada oo qashinka ka gura xaafadaha magaalada ayaa inta badan lagu eedeyaa inay sabab u yihiin nadaafad darada ka jirta toggaga iyo hareeraha magaalada.

Daawo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST