Duqa Muqdisho oo ku baaqay in Dhalinyarada laga Wacyi-geliyo Afkaaraha Gurracan

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay culummada Soomaaliyeed inay wacyi-geliyaan dhallinyarada, si aysan ugu dhicin afkaaraha qaldan ee lagu luminayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Thaabit ayaa hadalka sheegay mar uu la hadlayay culummada degmooyinka gobolka Banaadir, imaamyada masaajidyada iyo Macalimiinta dugsiyada lagu barto Qur’aanka Karmiimka ee Muqdisho ku yaalla, isagoo ka dalbaday inay u istaagaan ka hor-tagga fikradaha diimeed ee aan saxsanayn.

“Waxaan filayaa in dhibaatooyinka ay kooxaha argagaxsida ah wadaan ay ku yeelatay saameyn xooggan guri walba oo Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Muqdisho ku nool. Sidaa daraadeed waxaa la idinka doonayaa inaad ka hor-tagaan kooxaha dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed iyo fikradaha  ay faafinayaan,” ayuu hadalkiisa ku yiri Duqa Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiye Thaabit ayaa sheegay in dhibaatooyinka ay wadaan kooxaha xag-jiriinta ah ay saameysay Somali oo dhan, isagoo tusaale u soo qaatay weerarkii bahalnimada ahaa ee 14-kii Oktoobar ka dhacay Zope oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Culumadda Soomaaliyeed, Macalimiinta Dugsiyada Qur’anka iyo Imaamyada Masaajidda inay u diyaar-garoobaan dagaal lala gelo Al-shabaab, Maadaama ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

DHAGEYSO CODKA DUQA MUQDISHO THAABIT CABDI MAXAMED;

PUNTLAND POST