Ciyaartooyda Jubbaland iyo Gal-Mudug oo Ciyaar Xiiso Badan ku Dhexmari Doonto Koonis

Waxaa galabta abaaro 3:30 Xiliga Muqdisho lagu wadaa in garoonka Koonis Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir ay ka dhacdo ciyaar xiiso badan oo u dhaxeeyso Ciyaartooyda Jubbaland iyo Gal-Mudug.

Ciyaartaan oo ah mid Xiiso badan Ayaa Haddii Gal-mudug laga badiyaa ama xitaa Bar Baro lagaliyaa waxa ay ka hareeysaa Tartanka Maamul Goboleedyada.

Dhanka kale Kooxda Jubbaland ayaa heeysata fursad waxaana ay ku soo baxdaa Badis ama Bar Baro si ay Semi Finalka ugu gudubto.

Taageerayaasha Jubbaland iyo Gal-Mudug ayaa hadda isku diyaarinaya sidii ay u tagi lahaayeen Garoonka islamarkaasina ciyaartaasi goobjoog uga noqon lahaayeen.

Koonfur Galbeed oo ku soo baxday Groupka B ayaa waji doonto Midkood Jubbaland ama Gal-Mudug tii soo Baxdo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho