Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaalada Istanbuul kula kulmay Amiirka Dalka Qatar

Istanbuul (PP) ─ Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo], ayaa la kulmay Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Kulanka ayaa dhacday intii uu socday shirkii aan caadiga aheyd ee ay isugu yimaadeen Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ka dhacay magaalada Istanbul ee Waddanka Turkiga.

Sidoo kale, \Waxaa kulankan dib loogu eegay xiriirka labada dal iyo qaabka loo xoojin karo, loona hormarin karo. Iyadoo ay intaas dheerayd in kulanka looga hadlay mowduucyo dhowr ah iyo danaha ay labada dal wadaagaan.

Madaxweynaha Somalia ayaa ka Mahad-celiyay taageerada Amiirka Qatar u fidiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, si loo abuuro jawi nabadgelyo iyo xasilooni dowladeed.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad-naqay Dadaallada ay Qatar waday iyo Mashaariicda horumarineed ee ay ka fulineyso Somalia, kuwaasoo ay ku kacayso dhaqaale dhan ah 200-milyan oo Doollar.

Waxaa kulankan goobjoog ka ahaa Wafuuda labada dhinac ka socday, sida Amiiro iyo xubno Wasiirro ah, inkastoo aysan kulankaas hadallo ka jeedin wufuudda goobjoogga ka ahaa.

Ugu dambeyn, Dowladda Qatar ayaa dhowaan ku dhawaaqday inay Somalia ka fulin doonto Mashaariic ay ku baxayso lacag dhan 200-Milyan oo Doollar, Waxaa Mashaariicda qayb ka ah dhismaha Waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Shabeellooyinka.

PUNTLAND POST