Kooxda K/Cagta Puntland oo u soo baxday Semi-final-ka Koobka Maamul-goboleedyada

Muqdisho (PP) ─ Kooxda Kubadda Cagta ee Puntland oo ka qayb-galaysa Koobka Maamul-goboleedyada Somalia ayaa u soo gudubtay semi-finalka koobkan, kaddib markii ay 1-1 barbarro ah la gashay maanta kooxdii ka socotay Maamulka Koonfur-galbeed.

Cayaar aad u xiiso badan ayaa dhex-martay labadan kooxood, iyadoo ay ku soo dhammaatay 90-kii daqiiqo ee ay socotay 1-1, inkastoo ay wareegga afar dhammaadka cayaarahan u soo gudubtay kooxda Puntland.

Wareeggii koowaad ee cayaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 oo ay guusha ku hoggaaminayso kooxda Koonfur-galbeed, waxaase dadaal badan oo ay la yimaadeen kooxda Puntland u suuro-gashay inay cayaarta ka dhigaan 1-1 barbarro ah.

Guruubka B oo ay labadan kooxood kawada tirsan yihiin ayaa kaalinta 1-aad waxaa kusoo baxay xulka Kubadda Cagta Koonfur-galbeed, iyadoo Puntland ay kusoo baxday kaalinta labaad, waxaana haray Kooxdii ka socotay Hir-Shabeelle.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Fara-weyne oo markii ay cayaartu soo dhammaatay goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu si aad ah ugu kalsoon yahay kooxda, uuna rajeynayo in koobka ay iyagu markii labaad hantaan.

Ugu dambeyn, Kooxda Puntland ayaa cayaarahan kuwii ka horreeyay waxay hanteen koobka, inkastoo ay cayaartu sannadkan muujinayaan habsanaan la soo daristay, haddana waxay ku han-wayn yihiin inay markii labaad hantaan koobkan, iyagoo ku beegan Kooxda Banaadir oo marti-gelinaysa Tartankan.

PUNTLAND POST