Golaha Wasiirada Jubbaland oo meel mariyay sharciga Dhismaha G. Adeegga Garsoorka

Kismaayo (PP) ─ Kulan ay yeesheen Golaha Wasiiradda Jubbaland oo uu shir-gudoomiyay Madaxweynaha maamulkaas, Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu meel-mariyay Sharciga Addeega Garsoorka Jubbaland oo muddo la sugayay.

Wasaaradda Cadaaladda Dastuurka iyo Arimaha Diinta maamulka Jubbland, ayaa lagu booriyay inay dadajiso dhismaha golahan oo udub dhexaad u ah hananka Cadaaladda Jubbaland.

Sidoo kale, Golahu wuxuu warbixino ka dhagaystay Wasaaradaha Beeraha iyo Caafimadka kuwaasoo ka warbixiyay Shaqooyinka Wasaaradaha iyo hananka ay hawlahoodu u socdaan.

Golahu wuxuu ku dheeraday oo si qoto dheer uu uga hadlay sidii loo beeqamin lahaa dakhliga Dowlada isla markana meelaha qaar canshuur kordhin loogu samayn lahaa.

Ugu dambeyn, Golahu wuxuu meel mariyay hindisaha Wasaarada maaliyada ee hananka kordhinta dakhliga iyo dhismaha qorshe dhamaystiran oo lagu dardar galinayo hananka canshuur bixinta Jubbaland oo dhan.

PUNTLAND POST