Aabaha dhalay mid ka mid ah ciyaartooyda Puntland oo difaacay wiilkiisa

Aabaha dhalay mid ka mid ah ciyaartooyda xulka Puntland ayaa cambaareeyay dad uu sheegay inay been abuur ka samaysteen wiilkiisa iyo qoyska laacib Cabdulaahi Gacmo oo shalay laga sagootiyay magaalada Garowe si uu uga qeybgalo tartanka ka socda magaalada Muqdisho.

Aabe Cabdulqaadir Yuusuf Ciise ayaa u sheegay warbaahinta PUNTLAND POST inay jiraan dad  faafinaya been abuur iyo dacaayado uusan u qalmin wiilkiisa Cabdulaahi Gacmo oo ka mid ah laacibiinta ugu firfircoon xulka Puntland.

Wuxuu amaan u jeediyay shacabka reer Puntland oo uu ku tilmaamay kuwo jecel Qaranimada iyo Wanaaga, Isagoona taas bedelkeeda ugu baaqay xaalmarin dadka uu ku eedeeyay inay dacaayado ka faafiyeen sharafta wiilkiisa.

Ciyaartooy Cabdulaahi Gacmo wuxuu ka mid ahaa laacibiin maalmihii u dambeeyay la hadal hayay in looga tagey Garowe, balse nasiib wanaag shalay u ambabaxay magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo tartanka maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir .

Daawo Aabaha Laacib Cabdulaahi Gacan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *