Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Maalinta berri ah booqanaya gobolka Mudug.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka kooban mas’uuliyiin ka socda Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa la filayaa in uu Khamiista berri ah booqdo waqooyiga iyo Koonfurta magaalada gaalkacyo.

Wefdiga ayaa la kulmaya mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ee ku sugan waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo,iyagoo kala hadli doona arrimaha amniga iyo heshiisiinta bulshada gobolka Mudug ee ay kala fogaysay colaadda qabiilka ku salaysan.

Taliyaha iyo wefdigiisa oo Isniintii soo gaaray magaalada Garoowe ayaa shalay booqday xerada 54aad oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan Ciidankii dhowaan ay la wareegtay dowladda Soomaaliya,kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 2400 askari.

Wefdiga oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ayaa dhinaca kale kulan aan la shaacin Maanta la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland,sida ay sheegayaan warar hoose oo aan helnay.

PUNTLAND POST