Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo maanta la dharinayo xilkana la wareegaya

Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha la doortay ee Somailand, Muuse Biixi Cabdi ayaa lgau wadaa in maanta loo dhaariyo, isagoo markaas kaddib xilka kala wareegi doona madaxweynaha hore ee Somaliland, Axmed Siilaanyo.

Xafladdan dhaarinta iyo xil-wareejinta isugu jirta ayaa waxaa ka qayb-galaya wufuud kala duwan oo caalamka ka socda, waxaana wufuudda ka mid ah 38 xubnood oo ka socda dalka Jabuuti, kuwaasoo ah wafdig ugu ballaaran ee ka qaybgalaya munaasabadda, kuwaasoo uu hoggaaminaya wasiirka cadaalada, Muumin Axmed Sheekh.

Sidoo kale, Munaasabadda waxaa ka qayb-galaya wafdi ka socda Itoobiya oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka dowlad-deegaanka Soomaalida itoobiya, C/raxiin Cigaale Cumar. Inkastoo Dowladda Federaalka ah iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira aanay wufuud u dirin munaasabaddan.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale lala dhaarinayaa ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici oo horay u ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isgaoo mar labaad ku guuleystay in xilkaan loo soo doorto.

Doorashadii madaxnimo ee Somailand ee dhacday 13-kii bishii Novmber ee la soo dhaafay, ayaa waxaa ku tartameen musharraxiinta saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADANI ayaa waxaa ku guuleystay Muuse Biixi oo ku tartamayay magaca xisbul-xaakimka maamulkaas ee KULMIYE, iyadoo ay ku qanceen natiijada musharraxiintii kale.

Munaasabadan isugu jirta dhaarinta iyo xil-wareejin ayaa waxaa kaloo goob-joogayaal ka ah wufuud ka socda dalalka reer galbeedka, IGAD iyo xubno kale oo ka socda waddamada daneeya arrimaha Somaliland, waxaana lagu casuumay xafladdan in ka badan 1500 oo qof.

Ugu dambeyn, Ciidammo fara badan oo ku ammaanka ah ayaa xiray jidadka soo gala xarunta dhaarinta iyo xil-wareejintu ay ka dhacayso waxaana baaris lagu sameynayaa dadka goobtaas galaya.

Sida ay xafladdu u dhacdo waxaad kala socon doontaan Puntlandpost haddii Alle idmo.

PUNTLAND POST