Garowe oo lagu qabtay shir lagu meel marinayo istaraatiijiyada waxbarashada xoolo dhaqatatada

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee  Puntland ayaa qabatay shir looga hadlayay anixinta gudbinta Istaraatiijyada lagu gaarsiinyo waxbarashada xoolo dhaqatatada. Istaraajiyadaan oo loo turjumay Af-Soomaali, ayaa wasaaraddu kusoo bandhigay shir labo maalin socday oo ay ka qeyb galeen bahda waxbarashada, si ay kaalintooda ugu darsadaan ama uga aragti dhiibtaan.

Ujeedada ugu muhiimsan ee Istaraatiijiyadaan gudbinta waxbarashada xoolo dhaqatada, ayaa ah, bixinta waxbarashada ku haboon hab-nololeedka xoolo dhaqatada iyo kordhinta helitaanka waxbarasho tayo leh, gaar ahaan carruurta xoolo dhaqatada ah. Sidoo kale, yaraynta farqiga waxbarashada ee u dhexeeya bulshada miyiga ah iyo bulshada magaalada ee Puntland.

Asma Cabdulqaadir Maxamed oo ah agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda waxbarashada, ayaa waxay sheegtay istaraatiijiyadaan inay waafaqsan tahay siyaasada waxbarashada ee lagu gaarayo hadafyada horumarinta.

Asma waxay sheegtay istaraajiyadaan inay soo martay maraaxil kala duwan. Waxay sheegtay in horey loo meel mariyay iyadoo ku qoran luuqada Englishka, muddo kadibna lagu guulaystay in loo turjumo Af-Soomaali ugu dambayna lasoo bandhigo si loo meel mariyo loona fulinayo.

Agaasimaha Waaxda Taya-dhawrka Manahijta iyo Kormeerka Guud C/qaadir Yuusuf Nuux, ayaa soo xiray shirkaan, wuxuuna ammaanay istaraatiijiyadaan oo muhiim u ah horumarinta waxbarashada xoolo dhaqatada Puntland.

Kormeeruhu wuxuu sheegay barnaamijkaan inuu qeyb ka yahay dadaalada wasaaradda waxbarashada ugu jirto in guul la gaaro hadafyada waxbarashada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST