Dowladda Maraykanka oo ka hadashay rabshado ka qarxay dalka Ethiopia.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay rabshado hor leh oo ka soo cusboonaaday qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada dalka Ethiopia.

War qoraal ah oo Galabta ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in xukuumadda Maraykanku ay aad uga walaacsantahay rabashado dhimasho iyo dhaawac sababay oo labadii maalmood tegay ka dhacay magaalada Chelenko ee gobolka Oromada.

Safaaradda ayaa ku boorrisay  shacabka Ethiopia in ay ilaashadaan sooyaalkooda ku dhisan is-ixtiraamka qowmiyadah,wadajirka iyo nabadda,sida ku xusan qoraalka.

Mas’uuliyiinta dalka Ethiopia ayaa dhankooda sheegay in ugu yaraan 18 ruux lagu dilay rabshado todobaadkaan ka dhacay magaalada Chelenko ee gobolka Oromia. Rabshadaha ayaa u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada,waxaana dadka ku dhintay ku jira arday jaamacadeed,sida ay qortay Warbaahinta dalkaasi.

PUNTLAND POST