57 dal oo bayaan midaysan ka soo saaray go’aankii Trump ee Qudus.

Madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) oo Maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqay in ay Qudus u aqoonsan yihiin Caasimadda Falastiin ee la haysto.

Bayaan midaysan oo laga soo saaray kulankaas ayaa lagu yiri“waxaan ereyada ugu adag ku cambaareynaynaa go’aanka kelinimada ah ee aan qaanuunka waafaqsaneyn oo uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil”.

Hoggaamiyaaasha ayaa sheegay in mas’uuliyad-darro ka muuqato go’aanka Trump,iyagoo dalalka caalamka ku boorriyey  in ay Qudus u aqoonsadaan caasimadda Falastiin“waxaan ku dhawaaqaynaa in Qudus-ta Bari ay tahay caasimadda Falastiin,waxaana dalalka caalamka ugu baaqaynaa in ay aqoonsadaan dowlad Falastiin leedahay oo caasimadeedu tahay Qudus-ta la haysto”.

Dhammaan 57 dal ee uu ka koobanyahay Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa ku midaysan go’aankaan sida bayaanka lagu xusay.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar