Xubno katirsan Jaamacadda Bariga Africa oo safar shaqo ku tagay Malaysia

  Xubno ka tirsan Jaamacadda Bariga Afrika oo ka kooban  Guddoomiye Kuxigeenka arimaha waxbarashada Prof. Cabdisalaam Salwe iyo Guddoomiye ku xigeenka Faraca Garowe Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim, ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Kualalumpur ee xarunta dalka Malaysiakadib markii ay martiqaad ka heleen Jaamacadda Lincoln University College.

 Jaamacadda Bariga Afrika- Soomaaliya ayaa kulan iskaashi la leh Jaamacadda Lincoln oo dhawaan ku guulaysatay in ay ka mid noqoto Jaamacadaha hantay shahaadada shanta xidigood (5 SETARA – EXCELLENT), shahaadadaas oo ay guddoonsiisey wasaaradda tacliinta sare ee Malaysia.

Labada Jaamacadood ayaa muddo kawada shaqaynayay barnaamijyada waxbarashada gaar ahaan heerka labaad ee Jaamacadda (Master degree), iyagoo hadda iska kaashanaya kulliyadaha kala ah;

 ·        Masters degree of Business Administration in Islamic Banking and finance (heerka labaad ee waxbarasho Jaamacadda ee kulliyadda Bangiyada Islaamka)

·   Masters degree of Public Administration (heerka labaad ee waxbarasho ee maamulka guud)

·  Masters degree of Public Health in Nursing ( heerka labaad ee waxbarashada caafimaadka guud – gaar ahaan kalkaaliyanimada).

 Kulanka wafdigan jaamacadda , ayaa horseeday dardargalinta xiriirka labada Jaamacadood , iyo inay si dhaw ugu kuurgalaan hawlaha waxbarasho ee Lincoln kawaddo Malaysia, waxaana u suurtagalay inay siku af –gartaan qodobada soo socda:

 

· Sii xoojinta xiriirka labada jaamacadood iyadoo la daahfurayo barnaamijyo horleh

· Dardargalinta cilmi-baarista iyadoo laga doonayo ardayda Master-ka inay diyaariyaan cilmi-baarisyo ku salaysan xaaladda wadankooda.

· Ka qayb-qaadashada dhisidda awoodaha barayaasha Jaamacadda Bariga Afrika sida cilmi-baarista , tababarada I.W.M.

· Xoojinta iyo ilaalinta tayada Barnaamijyada waxbarashada.

 Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Bariga faraca Garowe, Cabdiraxmaan Ibraahim Diiriye, oo kawaramayay socdaalkaas ayaa yiri, “Safarka shaqo ee madaxda EAU ku tageen Malaysia , wuxuu hirgalinayey nidaamka isla xisaabtanka iyo hubinta tayada waxbarasho sidoo kale wuxuu dhiirigalinayey ardayda Masterka ah ayhadda dhigta Jaamacadda inay sii wataan waxbarashadoodii.”

 Socdaalkan ayaa kusoo beegmay xilli Jaamacadda Bariga Africa ay bilowday in Ardaydu ay sii wataan waxbarashadooda heerka 2aad iyagoo jooga dalka, taasoo ay fududaysay Jaamacadda Lincoln University College ee dalka Malaysia, waxaana taasi baajisay in arday badan u safraan waddanka dibadiisa.

Sawirada.

PUNTLAND POST