Taliye ku xigeenka Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo digniin culus u diray Mas’uuliyiin

Muqdisho (PP) ─ Taliye ku xigeenka ciidamada xoogga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa wuxuu si kulul uga hadlay Warar maalmahan la isla dhex-marayay oo sheegayay in mas’uuliyiinta Gobolka Shabeellaha Hoose oo ah in ciidamada xoogga dalka ay isbaarooyin cusub ay dhigteen Gobolkaas.

Jen. Caanood, ayaa sheegay mas’uuliyiinta Shabeellaha hoose ee hadalkan warbaahinta u sheegay ay la shaqeeyaan Al-shabaab, isagoo hadalkiisan ku daray in bannaan-baxyadii ka dhacay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ay soo abaabuleen xubno ka tirsan maamulka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, Abaanduulaha ayaa sheegay inay jiraan xubno u adeegaya Al-shabaab oo fulinaya danaha kooxdaas, iyagoo diidan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Maamulka deegaanka, ciidamada idiin yimid waa kuwii xoogga dalka, haddii uu idiin yimaado isbaaro ayaa billaabanaysa ayaa la idin ku yiri, markii Al-shabaab ay deegaannadaas ku aasaan miinooyin kama aydaan hadleynin, ciidanka markii ay yimaadeen maxaad la qaylinaysaan? Waxaan dhihi karnaa shaqsiyaadka isi soo abaabulay waa dad ay wax kusoo shubteen Al-shabaab oo ay dhaheen noo bannaan-baxa, marnaba ma ogaalaneyno Al-shabaab in dad laayaan oo ciidanka ay dhibaateeyaan,” ayuu yiri Jen. Caanood.

Dhanka kale, Abaanduulaha ayaa digniin wuxuu u diray maamulka gobolka Shabeellaha Hoose iyo Mas’uuliyiinta degmooyinka inay u arkaan inay la shaqeeyaan ururka Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Xubno ka tirsan maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa maalmo ka hor waxay warbaahinta ka sheegeen in Ciidamada Xoogga Dalka ay soo dhigteen isbaarooyin cusub oo shacabka lagu dhibaateynaayo.

PUNTLAND POST