Diyaarado Duqeeyay Saldhig Al-shabaab Gobolka Shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in diyaarado loo malaynayo in laga leeyahay dalka Mareykanka in xalay saqdii dhexe ay duqeeyeen deegaanka Mubaarak oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahano ka tirsan  Al-Shabaab.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka duqeyntaan ayaa dhacday 3:00 Saqdii dhexe ee xalay,waxaana la sheegay in diyaaradaha ay duqeeyeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Mubaarak.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaradaha ay duqeeyaan saldhigaas oo la sheegay in lagu diyaarinayay gawaarida lagu fuliyo qaraxyadda.

Mudooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay gobolka Shabeelha Hoosse ee koonfurta dalka Soomaliya duqeymo joogto ah oo lala bartilmaameedsanayo saldhigyadda dagaalyahanada Daacish iyo  Xarakadda Al-shabaab.

PUNTLAND POST