Barnaamij Dhamaystiran Taliyaha Xoogga dalka oo kormeeray Xerada 54 aad ee duleedka Garowe

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Major General. Cabdiweli Jaamac (Gorod) iyo wedfi uu hoggaaminayo oo shalay soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe,ayaa Maanta kormeeray Xerada 54 aad oo waqooyi Galbeed kaga beegan magaalada Garoowe,halkaas oo ay ku xeraysan yihiin cutubyo ka tirsan Ciidankii dhowaan lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya ee ka mid noqday Xoogga dalka.

Taliye Gorod iyo wefdigiisa oo ka kooban mas’uuliyiin ka socda Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa u kuurgalay xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka,waxaana xerada 54 aad ku soo dhoweeyey taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Puntland Gen. Siciid Maxammed Xirsi(Siciid Dheere) iyo saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Cutubyo ka tirsan Ciidankii dhowaan lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya ee kamid noqday Xoogga dalka,ayaa salaan sharaf siiyey taliye Gorod,kadib markii uu soo gaaray Xerada 54 aad ee ay ku xeraysan yihiin ciidankaan. Labada taliye ee Gorod iyo Siciid Dheere ayaa hadal u jeediyey Ciidanka,iyagoo kula dardaarmay in ay gutaan waajib ka qaran ee saaran.

Halkaan ka daawo muuqaalka.

Sawirro.

PUNTLAND POST