Baarlamaanka Puntland oo dejinaya qorshihii ay mar kale ku soo noqon lahayeen!!


Baarlamaanka Dawlada Puntland waa mid kamida tirarka sadexda ee ay ku dhisan tahay dawladnimada Puntland wuxuuna ka kooban yahay 66-mudane oo ay soo xulaan Odayaasha dhaqanka maadama ay ku salaysan yihiin matalaad beeleed, tan iyo markii la dhisay Puntland 1998  waxaa lagu soo xulaayey habka beelaha, qaarkood waxay kuraasta xubnimada ku fadhiyeen tan iyo dhismihii Puntland iyadoo la sheego inay barteen farsamo ay mar walba kusoo llaabtaan.

Axdigii ku-meel gaarka ahaa ee lagu dhisay Puntland iyo dastuurka rasmiga ee la ansixiyey 2012 ayaa labaduba si cad u qeexaaya in xubnaha baarlamaanku noqdaan matalaad degaan lagana gudbo matelaada qabiilka maadaama dhamaan qabaailku aysan wada lahayn xubin baarlamaan hase ahaate degaan walba heli karo matalaad shacbi.

Baarlamaanka hada jira ee Puntland oo muda-xileedkoodii uga harsan tahay wax ka yar sanad ayaa durba bilaabay qorshayaal cusub oo ay rabaan inay mar kale kusoo laabtaan, waxayna wararku sheegyaan in ay doonayaan inay kor dhistaan mudada kala fadhiga hada u socda  si ay u soo saaraan qorshayaal cusub oo ay ku doonayaan inay saamayn ku yeeshaan doorashada sanadka danbe ka dhici doonta Puntland.

Maxay yihiin qorshayaasha cusub?

Qaar kamida xubnaha baarlamaanka ayaa orod ugu jira sidii ay iyagu usoo magacaabi lahaayeen qaar kamida gudiga khilaafaadka doorashada oo ah kuwa kala saaraaya xubnaha baarlamaanka ee ay soo xuli doonaan Odayaasha dhaqanku, xubanahan ayaa doonaaya in baarlamaanka hada jira uu soo magacaabo qayb kamida gudigaas oo ka kooban 7-xubnood qaybta kalena uu soo magacaabo madaxweyne Gaas, waxayna u jeedada ay ka leeyihiin arintan ay tahay inay saamayn ku yeeshaan doorashada lagu soo xulaayo xubnaha baarlamaanka si ay mar kale kuraastooda ugu soo laabtaan.

Qorshahan ay wadaan xubanaha baarlamaanka ee ay kala-fadhiyadoodii uga harsan tahay oo kaliya hal kala fadhi ayaa noqotay wax ku cusub Puntland maadama baarlamaanidii hore aysan wax shuqula ku lahaan jirin gudiga khilaafaadka doorashada.

Goormaa la kala dirayaa baarlamaanka hada jira?

Sida ku cad dastuurka Puntland waxaa lagu wadaa in baarlamaanka hada jira ee Puntland si rasmiya loo kala diro bisha Oktoobar sanadka soo socda ee 2018, wixii xiligaa ka danbeeyana la diyaariyo baarlamaankii cusbaa ee badeli lahaa kuwa la kala diray, kuwaas oo iyaguna dooran doona madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen sideeda Janaayo 2019 hadii Alle idmo.

Yaa horay u magacaabi jirey gudiga khilaafaadka doorashada?

Gudiga khilaafaadka doorashada waxaa horay u magacaabi jirey madaxweynaha taladda kasii degaaya, taas oo ay gaashaanka u daruuri jireen murashixiinta madaxweynaha iyagoo dalbanaaya inay si wada jira u magacaabaan murashixiinta iyo madaxweynaha oo inta badan qudhiisu kamida murashixiinta xilka madaxtinimada u hanqal taagaaya hase ahaate is-qab-qabsi iyo khilaaf meel adag  gaara kadib waxaa la isla qaadan jirey gudiga uu madaxweynuhu magacaabay kuwaas oo ay dadweynuhu ku dhaliili jireen inaysan xubnaha baarlamaanka u kala saarin si isku dheeli tiran ayna mar walba ahaayeen kuwa u jan-jeera danaha madaxweynaha soo magacaabay.

Waxaa xusid mudan in mararka qaar murashixiinta mucaaradka qudhooduna ku dhawaaqi jireen gudi khilaafaad wallow ay ugu danbayn ka tanaasuli jireen.

Ma dhabaa in baarlamaanka hada jira uu hortaagan yahay maxkamadii dastuuriga ahayd?

Dhanka kale warar soo baxaaya ayaa sheegaaya in madaxweyne Gaas uu diyaariyey xubnihii maxkamada dastuuriga ee uu awooda u lahaa magacaabistooda kuwaas oo ah 2-xubnood maadama dastuurka Puntland uu qeexaayo in maxkamada dastuuriga ay ka koobnaato garsoorayaasha maxkamada sare oo lagu kordhiyey 4-xubnood oo bulshada lagasoo xulaayo kuwaas oo labba kamida uu madaxweynuhu soo magacaabaayo labadda kalena ay baarlamaanku soo magacaabayaan, hadaba wararka soo baxaaya ayaa sheegaaya in baarlamaanku ka caga jiidayaan soo magacaabista xubnihii ay xaqa u lahaayeen ee maxkamada dastuuriga lamana oga sababaha ay illaa hada usoo magacaabi la yihiin xubnahaas muhiimka u ah Dawladnimada Puntland.

Maxkamada dastuuriga ayaa ah tan awooda u leh kala saarista iyo xalinta khilaafaadka dastuuriga sida khilaafyada ka dhasha doorashooyinka.

Maxa lagu xasuusan doonaa baarlamaanka hada jira ee Puntland?

 Baarlamaanka hada jira ee Puntland ayaa noqday kuwii loogu hadal haynta badnaa waxaana soo maray mudooyinkii ay jireen dhacdooyin la yaab leh sida kala diristii golaha xukuumada 18-kii luulyo 2017, iyo dib u ansixintii isla golihii ay kala direen 10-kii Agoosto 2017, taas oo ay kala kulmeen fadeexadii ugu weynayd ee baarlamaan Puntland soo mara qabsata, waxay sidoo kale ansixiyeen sharciyo Dalka muran adag ka dhaliyey sida heshiiska ay Dawladu la gashay shirkadda P&O ee ay maamulka dekadda Bosaaso ugu wareejisay taas oo uu illaa hada murankeedu taagan yahay, waxaana si cad loo ogaaday inay heshiisyadaas ku ansixiyeen laaluush gaaraaya aduun lacageed oo dhan ku dhawaad labba milayan oo dollar xili weliba abaar ba’ani Dalka ka jirtay.

PUNTLOAND POST