Warbaahinta PUNTLAND POST oo 16-sano jirsatay

Khuburo Soomaaliyeed oo ku noolaa Dalka Denmark ayaa 11kii Decembar-2001 asaasay warbaahinta PUNTLAND POST oo kamid ahayd kuwii ugu horeeyey ee af-Soomaali wax ku tabiya baraha internetka ee loo yaqaan website.

PUNTLAND POST ayaa durbadiiba si aada uga dhex muuqatay warbaahinta Soomaalida, iyadoo la kowsatay 10-sano kadib burburkii Dawladii dhexe ee Soomaaliya, waxayna tabisay mudadii ay jirtay dhacdooyinkii kala duwanaa ee ka socday geyiga Soomaalida iyo guud ahaan caalamka mudadii u dhaxaysay 2001 illaa 2017.

PUNTLAND POST oo soo martay marxalado kala duwan mudadaas ay jirtay waxay ku guulaysatay inay noqoto warbaahin u dhexa bulshada iyo qaybaha siyaasada ku kala gedisan ee ay wararka u tebiso , waxaana marba marka ka danbeeya kor usii kacaayey dadweynaha ku xiran PUNTLAND POST.

PUNTLAND POST oo markii hore ku bilaabatay website waxay sanadkii 2013 soo kordhisay wargeys ku baxa afka Soomaaliga kaas oo laga daalacdo degaanada Puntland, soona baxa todobaad walba maalinta talaadada ah fadhigiisuna yahay magaalada Garowe, wuxuuna wargeyskana isaguna jirsaday shan sano.

Warbaahintan ayaa tebisa wararka, Falooyinka iyo maqaalada khuseeya siyaasada iyo arimaha bulshada, waxay sidoo kale  leedahay qaybta loo yaqaan Somali Jobs oo ay shaqa doonka iyo shaqaale doonkuba ka raadiyaan shaqaalaha iyo shaqadda ay u baahan yihiin.

Waxaa xusid mudan in PUNTLAND POST ay  wararkeeda ku tebiso luuqadaha Soomaaliga iyo Ingiriiska labadaba.

Hadii aad tahay dadka ku xiran PUNTLAND POST Website iyo Wargeysba fadlan wixii talo iyo tusaale ah, dhaliil iyo amaan ah noogu soo dir pp@puntlandpost.com

PUNTLAND POST