Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo Maanta Garoowe soo gaaray

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo saraakiil sare oo Xoogga dalka ah,ayaa Maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

taliyaha iyo Wefdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland Gen. Siciid Maxammed Xirsi(Siciid Dheere),hoggaanka ciidamada Daraawiishta iyo saraakiil ka socotay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ee degaannada puntland.
Labada taliye ayaa si wadjir ah saxaafadda ula hadlay,waxaana hadalka ku hormaray gen.Siciid Maxammed Xirsi(Siciid Dheere) oo sheegay in Puntland tahay halka ugu ballaaran Soomaaliya”oo nabadda iyo xasiloonida iyo is-difaaca nafsiga ah ka jiro“,taasoo ay ku gaartay”isku-tashi iyadu leedahay Ilaahay ka sokoow”,sida uu hadalka u dhigay.

Siciid Dheere ayaa tilmaamay in uu maqsuud ka yahay imaanshaha taliye Gorod,islamarkaaana ay si gaar ah ugu qiimeyn donaan taarikhda in uu markii la magacaabay durbadiiba Puntland soo booqday.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhoweynta loo sameeyey,wuxuuna sheegay in isaga iyo wefdigiisu Puntlnad u yimaadeen sidii ay ula kulmi lahaayeen ciidan gaaraya 2400 askari oo dhowaan Puntland ku wareejisay dowladda Soomaaliya,kana mid noqday Ciidanka Xoogga dalka.

Taliye Gorod sidoo kale sheegay in uu la kulmi doono madaxda Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan,islamarkaana uga sii gudbayo dhinaca gobolka Mudug ee colaaddu ka jirto.

Dhimaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabullaahi Xaaji Cumar(Cameey) oo saaka hadal u jeediyey ciidankii dhowaan lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya ee ku sugan xerada 54 aad ee duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe,ayaa u sheegay in ay yihiin ciidan qaran oo Soomaali oo dhan u dhexeeya,sidaasi darteedna ay mas’uuliyad ballaaran iska saaraan difaaca dalkooda hooyo.

Xerada 54 aad ee ciidankaan ku jiraan aya waxaa saaka booqday saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay,kuwaasoo kulan halkaasi kula qaatay madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo saraakiisha ciidanka.

Talaadada berri ah ayaa la filayaa in uu xeradaas booqdaan Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) iyo wefdigiisa,iyagoo soo kormeeri doona ciidanka.

Halkaan ka daawo Muuqaalka.

Sawirro.

 

 

 

PUNTLAND POST