JAWAARI: Somalia iyo Muslimiinta Dunidu Gor-gortan kama galayaan Lahaanshaha Qudus

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyay Tallaabadii Madaxweynaha Mareykanka Trump ugu aqoonsaday Qudus Caasimadda israa’iil.

Hadal uu Jawaari ka jeediyay kulan ay maanta Xildhibaannadu ku yeesheen  Muqdisho ayuu ku sheegay in Soomaaliya iyo Muslimiinta Caalamka ku nool aysan marna gorgortan ka geli doonin lahaanshaha Magaalada Qudus.

“Somalia iyo Muslimiinta marna gorgortan kama geli doonaan lahaanshaha magaalada barakeysan ee Qudus. Waayo magaaladan waa magaalo ku taalla dhulka Falastiin, waana magaalo ay leeyihiin Muslimiinta oo dhan – mana loo dulqaadan doono muranka ka taagan Qudus,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, Wuxuu hadalkiisa ku daray in Qudus ay soo martay waayihii ugu adkaa, isagoo xusay in tallaabada Mareykanka uu qaaday ay aheyd mid aad u khaldan, dhib kasta oo ka dhashana ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonaan.

Guddoomiye Jawaari ayaa Guddiga Arrimaha Dibadda ee baarlamanka faray inay qaraar kasoo diyaariyaan arrinta Qudus, markaas kaddibna qaraarka la horkeeno Baarlamaanka, si ay aragti uga qaataan.

Dhanka kale, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in sumacada Mareykanka ay hoos u dhacday, isagoo ugu baaqay Trump inuu ka laabto go’aankiisan oo uu ku sheegay mid aan macquul ahayn oo xaqiiqada ka fog.

Ugu dabmeyn, Muslimiinta iyo waddamo ka tirsan caalamka ayaa Tallaabada Trump uu Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimada Israa’iil si kulul uga soo horjeestay, waxaana go’aankan ka dhashay dibadbaxyo waaweyn.

PUNTLAND POST