Garowe:-HADMA oo qabatay kulan ku saabsan wadatashiga iyo ka jawaabida abaaraha

Hay’adda maareynta musiibooyinka dabiiciga ee Puntland  (HADMA) ayaa maanta Garowe ku qabatay kulan looga hadlayo wadatashiga iyo meelmarinta qorshaha ka jawaabida abaaraha iyo unug laanta.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay daraasad ay hay,addu ka samaysay 37 degmo iyo 69 tuulo oo ka tirsan deegaanada Puntland, waxaana ka qeybqaatey daraasada 160 qof oo hay’addu dirtay, Iyadoona lagu eegayay daraasadda sababaha mar kasta soo celceliya abaarta.

Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah qorshaha wax ka qabashada isbedelka cimilladda.

Daawo Sawiradda

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST