Qaramada Midoobay oo sheegtay in 2,078 qof oo rayid ah ay sanadkan ku dhinteen Soomaaliya

Warbixin ay maanta soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Colaadda hubaysan ee Soomaaliya ay weli khasaare culus u geysato dadka rayidka, burburiso kaabayaasha iyo qaab-nololeedka, barakiciso malaayiin dad ah, kana horistaagto bulshada u baahan gargaarka bani’aadanimo

Warbixinta oo lagu magacaabay “Ilaalinta Dadka Rayidka, Dhisidda Asaaska Nabadda, Amniga iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya”, ayna soo saareen Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay iyo Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxay ka hadashay mudii u dhaxeysay 1dii Janaayo 2016 ilaa 14ka Oktoobar 2017.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Qaramada Midoobay ay diiwaangelisay tiro gaareysa 2,078 oo ah dhimasho dad rayid ah iyo 2,507 oo dhaawacyo ah, in ka badan kala bar khasaaraha (boqolkiiba 60) waxaa loo aaneeyay  Al-Shabaab, boqolkiiba 13 waxaa loo aaneeyay maleeshiyo beeleedyo, boqolkiiba 11 waxaa loo aaneeyay dhinacyada xoogagga Dowladda, oo ka midyihiin ciidamada milleteriga iyo booliska, boqolkiiba afar waxaa loo aaneeyay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), boqolkiiba 12 na waxaa loo aaneeyay dad weerarro geystay oo aan la aqoonsanin ama aan la xaddidin.

Sidoo kale Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegatay in dhacdadii ugu xumayd ee hal maalin dhacda ay ahayd, dhacdadii Zope ee 14kii bishii Oktoobar, ee ay saraakiisha dowladda Soomaaliyeed u aaneeyeen Al-Shabaab, taas ee  1dii December si rasmi ah loo diiwaangeliyay inay ku dhinteen ugu yaraan 512 qof, iyo 316 qof oo ku dhaacantay.

Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa warbixinteenda ku sheegtay in Colaadda ay saameyn dheeraad ah ku yeelatay carruurta, kana dhigtay kuwo la kulma “xadgudubyo ba’an xilliyada ay socdaan hawlgallada ciidan, waxaana xadgudubyadaas ka mid ah dil, dhaawicid iyo xarig iyo xabsi gelin ay u geystaan ciidamada amniga ,” Waxaa intaa sii dheer, warbixinno sheegaya in qorista caruurta la askareynayo ay aad u korortay. Intii lagu jirey 10kii bilood ee ugu horreysay sannadka 2017, tiro kiisas dhan 3,335 oo ah carruur ciidan laga qortay ayaa la soo tebiyay –  boqolkiiba 71.5 waxaa loo aaneynayaa Al Shabaab, boqolkiiba 14.6 waxaa loo aaneynayaa maleeshiyo beeleedyo, halka boqolkiiba 7.4 loo aaneynayo Ciidanka Xoogga Dalka.

Ugu danbeyntii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah ayay Qaramada Midoobay ku boorisay inay ansixiyaan tallaabooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed oo ay ku jiraan kuwo ku saabsan sharci fulinta, si loo xaqiijiyo in baaritaan wax ku ool ah la sameeyo, isla markaasna dacwad lagu soo oogo kuwa geysta xadgudubyada iyo tacaddiyada halista ku ah sharciga calamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada colaadaha, dhibanayaashana loo helo xaal marin wax ku ool ah.

PUNTLAND POST