Machadka HERITAGE oo kasoo saaray Warbixin Qoxootiga ku jira dhadhaab

Muqdisho (PP) ─ Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa warbixin kasoo saaray xaaladda ay ku sugan yihiin Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Heritage ayaa wabixinteeda oo aad u dheer kaga hadashay xaaladaha kala duwan ee qoxootiga, waxayna ka hadashay qaabka daraasaddan gaarka ah ay u sameysay, dib u celinta aan khiyaariga ahayn iyo qodobbo kale oo aad muhiim u ah.

Haddaba, Warbixinta uu machadkan soo saaray ayaa waxaa lagu billaabay sidan:

Tan iyo sannadkii 2014, qaxooti kor u dhaafaya 73,000 ayaa laga soo celiyay Dhadhaab oo ku taala gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, isla markaana ah xero qaxooti tan ugu weyn caalamka.

Inta badan dadkan soo laabtay ayaa markoodii hore ka qaxay degaanada baadiyaha ee ay haatan ka taliyaan kooxda Al-Shabaab.  Muddo afar sano ah ayay dowladda Kenya ka shaqeyneysay sidii loo xiri lahaa xerada Dhadhaab, iyadoo tilmaameysa in xeradu gabbaad u noqotay kooxaha argagixisada ah.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadnaha ayaa eedeymaha dowladda Kenya ku tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin, isla markaana lagu dulminayo dad markoodii horeba dhibanayaal ahaa. Bishii Febraayo 2017-ka ayay maxkamadda sare ee Kenya joojisay qorshaha dowladda Kenya ku dooneysay in ay ku xirto xerada Dhadhaab, iyadoo maxkamaddu go’aanka dowladda ku tilmaantay “takoorid” iyo “mid aan dastuurka qaafaqsaneyn”.

Tiro ka badan 45,000 qaxooti ah ayaa ilaa hadda ku laabtay magaalada Kismaayo, iyada oo tiro kale oo badanna ay ku laabteen magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

Inta badan Qoxootiga soo laabanaya kuma haystaan dhul, hanti ama taakuleyn degaanada ay kusoo laabteen. Dowladda federaalka Soomaaliya door muuqda kuma laha qaxootiga kasoo laabanaya Kenya, wax taakulo ahna ma siiso. Maamul goboleedyada Jubaland (Kismaayo) iyo Koofur Galbeed (Baydhabo) iyaguna waa kuwo tabar yar, mana hayaan dhaqaalihii iyo kaabayaashii dib u dejinta loogu sameyn lahaa qaxootiga soo laabanaya.

Wabixinta Machadka Heritagae ayaa lagu xusay in arrimahaan isbiirsaday oo dhan ay sababeen in dad badan oo kamid ah qaxootiga soo laabtay ay dareemaan in ay yihiin dad leyska ilaaway.

HADDABA HALKAN KASOO ROGO WARBIXINTA OO DHAMEYSTIRAN;

PUNTLAND POST