Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo maanta ka qeyb galaya Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Mudane Mahdi ayaa maanta ka qeyb galaya munaasabada xuska 12-aad ee 29-ka Hidhaar maalinta Qowmiyadaha dalkaas Itoobiya oo  ka qabsoomi doonta xarunta dawlad deegaanka Canfarta ee magaalada Samara.

Raiisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa halkaasi ka jeedin doono Qudbad isaga oo ku hadli doono afka Dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale Mudane Mahdi ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dalkaas, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka, iskaashiga iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dawladood.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post