Shir lagu gorfaynayey siyaasado dhaxal-gal u ah shaqaalaha Puntland oo Garoowe lagu qabtay

Shir looga hadlayey siyaasadda Tababarka iyo Hagidda shaqaalaha cusub ee khibradda u baahan Coaching and Mentoring ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha PUntland ee Garoowe.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland mudane Cabdirisaaq Shire Ismaaciil, Madaxqaybyeedyada ka hawl-gala dhammaan Xarumaha dawladda iyo khuburo ka soconaysey Baanka adduunka, kuwaas oo dawladda kala shaqaynayey dejinta siyaasadaha.

Shirka ayaa waxaa si qoto dheer loogu lafo guray sidii horumarin lahaa siyaasaddaan oo ay soo diyaariyeen khuburo caalami ah kuwaas oo kasoo ooh ore u soo dejiyey siyaasado badan oo la xiriira arrimahaan isla markaana lasoo shaqeeyey waddamo badan oo caalamka ah.

Siyaasaddaan ayaa ujeedkeedu yahay sidii looga dhigi lahaa dhammaan shaqaalaha dawladda kuwp u diyaasan inay qaban karaan shaqooyinka ay hayaan masuuliyiinta xafiisyada ee iyaga ka sarraysa maadaama marka hore qof siyaasaddani ku khasbayso maamulayaasha xafiisyada  inay tababaraan shaqaalaha iyaga ka hooseeya.

Dhammaan qodobaddii laga dooday ayaa laysla afgartay iyadoona ugu dambayn si buuxda laysula qaatay loona faaf reebay kadibba la qorsheeyey in loo gudbiyo goleyaasha dawladda ee ay sida gaarka ah u khusayso arrintaasi si ay iyaguna u sii hubiyaan kadibna si kama dambays ah loogu dhaqan geliyo xarumaha dawladda.