Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo war cusub ka soo saaray Soomaaliya.

Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey Shirkii ugu dambeeyey madaxda Soomaalida iyo Beesha Caalamku ay Muqdisho ku yeesheen 4/5 bishaan dec,waxaana Goluhu madaxda Federaalka iyo maamul goboleedyada ugu baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo amniga, xasiloonida iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Amniga ee QM ayaa sidoo kale bogaadiyey dadaalka ay wadaan bah-wadaagta Caalamka ee Soomaaliya lagu nabadeynayo iyo doorka Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku aaddan xasilinta dalka,iyo dagaalka Al-shabaab ay uga sifaynayaan degaannada ay ku harsanyihiin,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Golaha Amniga ee QM.

Golaha ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay in la fuliyo dhammaan qodobadii lagu heshiiyey shirka oo ay ku jiraan dhammaystirka Dastuurka,diyaarinta doorasho hal qof hal cod ah sannadka 2020/2021, iyo in si buuxda loo fuliyo qodobadii heshiiskii hore ee 5 Nov ee sannadkaan ay gaareen madaxda Soomaalida.

Xubnaha Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa ku celiyey in mudnaanta la siiyo istiraatiijiyadda qaranka iyo qorshaha ka hortagga iyo la-dagaallanka argagixisada si loo xoojiyo awoodda Soomaaliya,waxayna soo dhoweeyeen aqoonsigii madaxda soomaalida ee kaalinta dhalinyarada,haweenka iyo ururada maxalliga ah ee ku aaddan dadaalka nabadda Soomaaliya.

Golaha Amniga ayaa sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo in si deg deg ah looga jawaabo xaaladaha banii’aadantinimo ee Soomaaliya sannadka 2018,wuxuuna hoosta ka xarriiqay in kordhiyo dhismaha adkeysiga Soomaaliya u yeelanayso abaaraha soo noqnoqda.

 

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

PUNTLAND POST