Duqeyn Diyaaradeed oo Ka Dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaan ay maamulaan Al-shabaab.

Diyaaradaha ayaa duqeeyay deegaanka  Ilimey oo qiyaastii 130 km (80 miles) kaga beegan dhanka Koonfurta Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Deegaanka la duqeeyay waxaa maamula dagaalyaanadda  Al-shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaradaha ay bartilmaameedsadaeen gaari dagaal oo waday qalab lagu diyaarinay qaraxyo.

Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose ee Dowladda Soomaliya Ali Nuur ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in diyaaradaha ay duqeeyeen gaari ay la socdeen Al-shabaab, balse  uusan sheegi karin khasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose ee Al-shabaab Mohamed Abu Usama ayaa beeniyay in diyaaradaha Mareykanka ay duqeeyaan gaari ay lahaayeen, Al-shabaab, taasi badalkeeda ayuu sheegay in la waxyeeleeyay dad shacab ahaa oo xoolo dhaqato u badnaa.

Waa duqeyntii 29-aad ee laga fuliyo gudaha Soomaliya, iyadoo Dowladda Mareykanka ay inta badan war kasoo saarto duqeymaha lagu qaado saldhigyadda dagaalyahanadda Daacish iyo Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

PUNTLAND POST