Cristiano Ronaldo oo ku guuleystay Abaal marinta sanadka 2017

Xidiga kooxda Real Madrid iyo Xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa markii Shanaad Caawa ku guuleystay abaal marinta xidiga ugu wanaagsan aduunka sanadkan 2017.

Cristiano Ronaldo ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ku guuleystay Abaal marinta Ballon d’Or oo ay qiimeyso Majalada France Football wuxuuna qaatay sanadii 2009, 2013, 2014, 2016 iyo 2017.

Sidoo kale Cristiano Ronaldo ayaa barbareeyay rekoodhkii Lionel Messi oo horey abaal marinta Ballon d’Or ugu soo guuleystay Shan jeer.

Cristiano Ronaldo ayaa bishii August ee sanadkan ku guuleystay abaal marinta xidigii ugu fiicnaa Qaaradda yurub, isagoo noqday xidiga ugu badan ee abaal marintaas ku guuleystay.

Ronaldo ayaa Real Madrid ka soo caawiyay in ay kuwada guulaysato koobabka La Liga iyo Champions Leaque-ga oo ay noqoty kooxdii ugu horaysay ee laba sano oo xiriir ah ku guulaysatay.

PUNTLAND POST