Trump oo Qudus u aqoonsaday Caasimadda Israa’iil iyo Caalamka oo ka falceliyey.

Madaxweynaha maraykanka Donald Trump oo hadal ka jeediyey Aqalka Cad ayaa ku dhawaaaqay in uu magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil,sidaasi darteedna uu waaxda Arrimaha debadda dalkiisa amar ku siiyey in Safaaradda Maraykanka loo raro halkaasi.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in uusan ka laaban hadafkii ahaa nabad ka dhalata Israa’iil iyo Falastiin oo ku salaysnaa xal laba dowladood,si looga gudbo khilaafka mudada dheer ee dhulka ay ku muransan yihiin.

Trump oo go’aankaan shaacinaya ayaa yiri“waxaan go’aansaday in ay tahay wakhtigii si rasmi ah Qudus loogu aqoonsan lahaa caasimadda Israa’iil”,wuxuuna raaciyey”iyadoo maadxdii hore ee Maraykanku ay ol-olahooda ugu weyn ee doorashada ku geli jireen ballanqaadkaan ayna ku fashilmeen ayaan maanta ka dhabeeyey”.

Wuxuu sheegay in tallaabadaan ay marar badan daahday,islamarkaana Israa’iil tahay dowlad madax-bannaan oo xaq u leh in ay”go’aamiso caasimadeeda“,isagoo caddeeyey in uu amar siiyey Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka in safaaradda dalka loo raro maagaalada Qudus”hawshu si deg deg ah ayey u bilaaaban doontaa,enjineerada ayaa ka shaqeyn doona dhismaha safaaradda cusub”.

Trump ayaa hadalkiisa raaciyey in madaxweyne ku xigeenkiisa Mike Pence uu maalmaha soo socda safar ku tegi doono gobolka Bariga dhexe si uu bah-wadaagta Maraykanka ugu xaqiijiyo”in Maraykanka ay ka go’antahay dagaalka xagjirka halista ku ah jiilasha mustaqbalka”.

Go’aanka Trump ayaa ku soo beegmay xilli dunida muslimka iyo caalamkaba si weyn looga horjeestay in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil,islamarkaana baaqyo loo jeediyey in uu go’aankaas ka laabto.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa go’aankaan ku tilmaamay“mid taariikh ah oo caddaalad ah“,laakiin inta badan dunida ayaa laga cambaareeyey qararka Trump. Sidoo kale gudaha Falastiin ayaa waxaa ka bilowaday kacdoon xooggan iyo rabshado.

Madaxweynaha falastiniyiinta Mahmud Abbas ayaa sheegay in go’aanka Trum soo xiray xalkii nabadda labada dhinac(Israa’il iyo falastiin),halka Ururka Hamas uu tilmaamay in qaraarka” uu albaabada jaxiima ku furayo danihii Maraykanka ee gobolka Bariga dhexe”.

Dhammaan dhinacyada Falasiiniyiinta ayaa maalinta berri ah ku dhawaaqay kacdoon weyn oo looga horjeedo Israa’iil iyo Maraykanka,iyadoo caawo dadka reer Falastiin ay u tahay habeen murugo badan oo ay waddooyinka safan yihiin,iyagoo sita boorar ay ku xardhan yihiin ereyo ka dhan ah Trump.

,Qaramada Midoobay, Midowga Yurub,iyo Jaamacadda Carabta,ayaa durbadiiba ka hadlay go’aankan waxayna sheegeen in ay si weyn uga walaacsan yihiin.

Dalka Turkiga ayaa mas’uuliyadda darro ku tilmaamay qaraarkaas,sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha debadda waddankaas.

Madaxweynaha Faransiiska oo shir jaraa’id qabtay wax yar kadib go’aanka Trump ayaa yiri”ma taageersanin qaraarkan aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah,waana mid laga qoomameeyo”.

Dhinaca kale Idaacadaha Israa’iil ayaa sheegay in goor horeba dowladda Philippine ay ku dhawaaqday in ay safaaraddeeda u wareejinayso magaalada Qudus,inkasto aan weli la xaqiijin karin warkaasi.

Ammaanka Safaaradaha Maraykanka ee dalalka debadda ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoo laga cabsi qabo weerarro in lagu qaado sida ay soo werisay warbaahinta Maraykanka.

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

PUNTLAND POST