Qoysaska ku guryo beelay dab xalay ka kacay Garowe oo loo gurmaday

Maamulka Dowladda hoose ee Garowe ayaa maanta gaarsiiyay gurmad isugu jira raashin iyo dhar qoysaska guryahoodu ku basbeeleen xalay dab ka kacay magaalada Garowe gaar ahaan dhabarka dambe ee dhismaha Xalwo Kismaayo jidka Soddonka.

Duqa magaalada Garowe iyo Xoghayaha Dowladda hoose ayaa gaarsiiyay 15 qoys oo ka mid ah barakacayaasha ku nool magaalada Garowe raashin iyo dhar maamulka degmadu ugu deeqay.

Xoghayaha Dowladda hoose ee Garowe Maxamuud Cali Gurey ayaa sheegay inay la qeybsanayaan dhibtii kasoo gaartey qoysaskaan danyarta dabkii xalay baabi,iyay hantidooda iyo hoygoodii.

Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) oo ka hadlay goobta ayaa u mahadceliyay shirkaddo ka qeybqaatey damista dabka, Isagoona sheegay inaanu jirin khasaare nafeed oo uu geystay dabkaan.

Isku soo wada duuboo waxaa ka qeybqaatey daminta dabka xalay qabsadey guryaha qaar ka mid ah barakacayaasha booyadaha shirkaddaha Alnaciim iyo Farjano,wallow aanu jirin dab damis ay leedahay dowladda hoose oo ka qeybqaatey daminta dabkaan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST