Isimada Puntland oo goor dhaw ku dhawaaqi doona natiijada kaso baxday wada hadaladii Ganacasatada iyo Dawladda

Bosaso-[Puntland Post] Waxaa gabi ahaanba goor dhaw lagu wadaa in laso afmeero wada hadaladii ay garwadeenka ka ahaayen Isimada Puntland ee lagu wada hadal siinayay Dowladda iyo Ganacsatada Cabashada ka keenay shirkada lagu wareejiyey Dekada Bosaso.

Waxaana hada munaasabadii lagu shaacinayey go,aanada ka soo baxay shirka uu ka socdaa hoolka shirarka ee Hotel Gacayte ee Magaalada Bosaso.

Warbaahinta Puntland Post Xog ay heshay ayaa sheegaysa in xal laga gaaray murankii ka taagnaa Dekeda, isla markaana maanta lagu dhawaaqi doono natiijada kaso baxay wada hadalka.

Warar horu-dhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Ganacsatadu ay ogolaadeen Khimadaha ay dawladu kordhisay, hasa yeeshe waxaa qodobada heshiiska ka mid ah innaan dib loo kordhin karin sida uu xogta ku helayo Puntland Post Xafiiskiisa Bosaso.

Ganacsatada ayaa sheegay in marka Dekeda la dhiso ay si buuxda u ogolaanayaan Sharci kasta oo Shirkadda Dekeda maamusha ay keento, hasa yeeshe inta ka horaysa loo baahan yahay in heshiiska la gaaray lagu dhaqmo, arrintaas oo la isku raacay.

Dekeda magaalada Boosaaso ayaa waxaa maamula shirkad laga leeyahay wadanka Imaaraatka carabta, taasi oo lagu magacaabo P&0 PORTS, waxayna hoostagtaa Shirkadda DP WORLD.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo oo ka ha hadlayey munasabad ee ay arday ku qalin jabinaysay oo ka dhacaday Bosaso waxa uu sheegay in Ganacsatada Puntland ujeedada ay u qaylinayaan ay tahay inay wax ka helaan Qandaraasyo toban kor u dhaafaya oo dawladu ay gacanta ku hayso, kuwaas oo uu sheegay in loo tartami doono.

Wxii soo kordha la soco Insha Allah 

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso