AKHRISO: Qodobbada Heshisikii ay Ahlusunna iyo Galmudug ku kala Saxiixdeen Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ururka Ahlusunna iyo maamulka Galmudug ayaa maanta ku kala saxiixday Muqdisho heshiis ka kooban 14-qodob, kaasoo uu qayb ka yahay awood-qaybsiga maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Maamulladan ayaa kusoo heshiiyay wadahadallo ku dhexmaray dalka Jabuuti kaasoo lagu dhameymayay muranka muddada soo jiray ee dhinacyadaan u dhexeeyay, iyagoo go’aansaday inay heshiiskooda ku saxiixaan Muqdisho.

Saxiixa heshiiskan oo ka dhacay Madaxtooyada Somalia waxaa goob-joog ka ahaa oo dhiniciisa ka saxiixay heshiiska, madaxweynaha Somalia, Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Dhanka kale, Qodobbada heshiiskan ayaa waxaa ka mid ahaa in Sh. Shaakir oo ka socda Ahlusunna ayaa noqonaya Wasiirka Koowaad ee Galmudug, taas oo ka dhigan inay Galmudug noqonayso maamulkii ugu horreeyay ee yeesha Ra’iisul wasaare.

Haddaba, Halkaan hoose ka AKHRISO Qodobbada lagu Heshiiyay;

PUNTLAND POST