Qodobada Shirkii Ammaanka Muqdisho iyo Hanaanka Bixitaanka Ciidamada AMISOM

Muqdisho (PP) ─ Beesha Caalamka iyo Somalia ayaa shalay ku heshiiyay war-muryeedka lagu sheegay qorshaha xilliga kala guur ah ee Ciidamada Somalia loogu diyaarinayo sidii ay hawlgalka ugala wareegi lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulankii Ammaanka ee Muqdisho ka dhacay, waxaa goobjoog ka ahaa DFS iyo dalalka iyo hay’adaha daneeya sida; Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo hay’ado kale oo xagga amniga ka taageera Somalia, iyadoo lagu hesheeyay Road-map cad oo ku xusan sida ay u dhaceyso mas’uuliyad kala wareejinta hawlgalka.

War-murtiyeedka ayaa lagu xusay heshiis ah in si deg-deg ah loo hormariyo qorshe macquul ah oo la fulin karo kaas oo ku xusan sidii yool waqtiyeysan loo qaban lahaa in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo Ciidamada Somalia, iyaga oo kala wareegaya AMISOM.

Sidoo kale, Qorshaha Somalia iyo Beesha Caalamka ku heshiiyeen waxaa ka mid ah:

  1. In la xurmeeyo sharciga, xuquuqul insaanka,
  2. In la adkeeyo la dagaalanka afkaarta argigixisada
  3. In kor loo qaado Arrimaha xasilinta iyo Dowladnimada.

Waxaa kaloo, Heshiiskan lagu xusay ; in muddada xilka iyo mas’uuliyadda la wareejinayo oo ah bilaha iyo sanooyinka soo socda, la hubiyo arrimaha la siinayo ahmiyadda, hadafka la leeyahay mas’uuliyad wareejinta iyo sida ay u dhacayso oo ay ku jirto hubinta deganaashiyaha, dhismaha Dowladnimada iyo qorshayaasha lagu dhisayo ciidanka qalbka sida, booliiska iyo cadaaladda si loo hubiyo nabad waarta oo ka hirgasha Somalia.

Dhanka kale, Tallaabada ugu horreysa, kooxaha daneeya arrimaha Somalia waxay dejinayaan qorshaha mas’uuliyad wareejinta oo bilaabaneysa 31-ka December ee 2017-ka, si Qorshahaas loo dhameystiro ka hor kulanka ay AMISOM codsatay ee Golaha Ammaanka oo dhacaya sannadka soo socda ee 2018-ka.

Heshisikan waxaa ka mid ahaa xilliga ay baxayaan askarta ugu horreysa ee AMISOM oo ku aaddan dhammaadkan bishan lagu jiro, waxaa shirkan looga hadlay sidii maal-gelin loogu heli lahaa AMISOM iyo ciidamada qalabka sida iyo in la dhaqan-geliyo heshiiskii amni ee London lagu saxiixay May 2017-kii.

Heshiiskaas ayaa dhigayay in la dhiso illaa 22,000 ciidan oo ay ku jiraan 4-kun oo askari oo gaar ah, waxaa kale oo lagu darayaa 32,000  oo booliis ah.

Ugu dambeyn, Toddobaadkan maamulka Puntland ayaa 2,400 oo daraawiish ah ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in maamullada kale qaadaan tallaabo middaas la mid ah si loo helo Ciidammo Qaran oo hanta amniga dalka iyo dadka.

PUNTLAND POST