Maxkmada Ciidamada Qalabka Sida oo Xukuno ku riday Shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay xukuno ku riddey Afar nin oo eedeysanayaal ah, waxaana qaarkood ay ku eedeysanaayeen iney kamid yihiin Al-shabaab, islamarkaana ay fududeeyeen qaraxyo ka dhacyo magaaladda muqdisho.

Guddoomiyaha maxkamadda Dararajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhowaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay.

Ragga la Xukumay ayaa kala ah.

  • C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah
  • Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in
  • Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah
  • C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay labo sano oo xabsi ciidan ah

PUNTLAND POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *