Isku Aadka tartanka Kubbada Cagta Dowlad goboleedyada Soomaaliya oo la sameeyay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay isku Aadka tartanka Kubbada Cagta Dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Tartankan oo sanadkii labaad oo xiriira lagu qabto Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya Shanta Dowlad goboleed iyo xul matala Gobolka Benaadir waxaana loo qeybiyay labo Group.

Group-A

  • Benaadir
  • Galmudug
  • Jubbaland

Group-B

  • Hirshabeelle
  • Puntland
  • Koonfur Galbeed

Xulka Puntland oo sanadkii hore ku guuleystay Koobkan ayaa Group-ka B la galay xulal sahlan marka loo eedo Group-ka kale.

Tartankan ayaa furmi doona 8-da bishan December oo ku began maalinta Jimca ah ee soo socota waxaana lagu furi doonaa xulalka Benaadir iyo Jubaland.

PUNTLAND POST